September, 09-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE   SEND TO A FRIEND  

Akhri Magacyada 9 Xildhibaan Oo Uu Ku Jiro Tarsan Oo Maanta La Dhaariyay Iyo Waxa Laga Yeelayo Kuwa Harsan

Gudoonka barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta xildhibaanada hortooda ku dhaariyay ilaa 9 xubnood oo kamiq noqonaya mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya.


Xildhibaanadan oo aysan horey beelahooda usoo gudbin ayaa maanta lagu hordhaariyay Xildhibaanada barlamaanka, waxaana dhaariyay Gudoomiyaha barlamaankaProJawaari.

Mudanayaashan la dhaariyay ayaa waxaa ku jiro duqa Magaaladda Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan kaas oo silama filaan ah loogu soo daray Liiska.

Tarsan ayaa ah gudoomiyaha gobolka Banaadir waxaana lala dhaariyay ilaa 8 musharax oo kale kuwaas oo qaarkood dhaarintooda ay ku fooriyeen xildhibaanada dowlada.

Akhri Liiska Xildhibaanada la dhaariyay

1-Cabdi Bare Xuseen
2-Saalax Axmed Xuseen
3-Maxamuud Axmed Nuur Tarsan
4-Cabdi Raxiin Cabdi Abiikar
5-Maxamed Amiin Xasan
6-Nadiifo Maxamed Cusmaan
7-Faadumo Nuur Maxamed
8-Bishaar Ugaas Ibraahim
9 -Sooyaan Cabdi Warsame

Dhanka kale Gudoonka barlamaanka ayaa sheegay in wali aan la dhaarinayn xubno katirsan barlamaanka kuwaas oo khilaaf uu ka taagan yahay.

Waxaana xubnahaas oo kamid ah hogaamiye kooxeedyadii la dhaarin doonaa maalmaha soo aadan, hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya inaysan kamid noqon doonin xildhibaanada ucodeynaya doorashada madaxweynaha.

Comments

NO COMMENTS

What is on your mind? Post your comment below:

*